Luis Suarez Oo Isku Qoray Taariikhda Barcelona Kadib Goolkii Real Valladolid

Xiddiga kooxda Barcelona ee Luis Suarez ayaa isku qoray taariikhda kooxda Barcelona kadib goolkii uu ka dhaliyay kooxda Real Valladolid kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.

Weeraryahanka Luis Suarez ayaa dhaliyay goolkii 5-aad ee kooxdiisa kulankii ay 5/1 ku garaaceen kooxda Real Valladolid kulan ka tirsanaa todobaadkii 11-aad ee horyaalka La Liga.

Goolkii uu ka dhaliyay kooxda Real Valladolid ayaa ahaa goolkii 185 ee kooxdiisa Barcelona tartamada oo dhan tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda Barcelona.

Goolkaas ayaa Suarez ka caawiyay in uu isku qoro taariikhda Barcelona isaga oo noqday xiddiga 4-aad ee ugu goolasha badan taariikhda kooxda Barcelona.

Suarez ayaa markii hore la bar-baro ahaa lana goolal ahaa Halyeeyga kooxda ee Jose Samitier iyaga oo wada lahaa 184 gool.

Laakiin goolkii uu ka dhaliyay kooxda Real Valladolid ayaa Suarez ka caawisay in uu dhaafo waliba noqdo xiddiga 4-aad ee ugu goolasha badan taariikhda kooxda.

Lionel Messi: 608 Gool

Cesar Rodriguez: 232

Ladislao Kubala: 194

Luis Suarez: 185

Jose Samitier: 184

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*