Lionel Messi Oo Loo Sheegay Halka Koox Ee Ay Tahay In Uu Ku Biiro Si Uu U Muujiyo In Uu Yahay Xiddiga Ugu Fiican Adduunka

Goolhayihii hore ee kooxda Boca Juniors ee Hugo Gatti ayaa sheegay in halka wado ee uu Lionel Messi ku muujin karo in uu yahay xiddiga ugu fiican adduunka ay tahay in uu ku biiro kooxda Real Madrid kadib cadeeyo in uu qaban karo wixii uu Cristiano Ronaldo qabtay.

Inkasta oo uu Messi soo bandhigay qaab ciyaareed heer sare ah kulankii ay Barcelona 5/1 ku garaacday kooxda Real Valladolid isaga oo dhaliyay 2 gool mid kalena caawiye ka noqday hadana xiddiga ay isku dalka yihiin ayaan ku qanacsanayn in uu isla waxa uu ka qabanayo Barcelona ka qaban karo koox kale oo weyn.

“Waxa ay u muuqataa hadii aan ka soo hor jeedo Argentine laakiin ilaa uu Messi ka ciyaarayo kulan weyn, waxa uu wali sii wadaa in uu yahay xiddiga is muujiya marka uu garoonka Barcelona ku ciyaarayo”ayuu Gatti u sheegay El Chiringuito.

“Waa in uu leeyahay raganimada uu ku tagi karo Real Madrid waliba qabto wax walba uu Cristiano Ronaldo halkaas ka qabtay”.

“Kaliya waxa uu ahaan doonaa xiddig kale oo iska caadi ah”.

“Cristiano Ronaldo waxa uu tagay kooxaha ugu waaweyn aduunka, laakiin Messi waxa uu kaliya ka ciyaarayaa gurigiisa (Camp Nou”.

“Ha ciyaaro champions League iyo Koob adduun waxa uu noqonayaa xiddig iska caadi ah”.

“Marka uu halkaas isku muujiyo waxa uu la meel noqon doonaa Johan Cruyff, Diego Maradona & Pele”.

“Messi waxa uu ciyaaraa marka ay u ogolaadaan in uu ciyaaro, mar walba way fududahay in aad ku ciyaarto gurigaaga aad jeceshahay (Camp Nou”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*