Laba Shax Oo Cajiib Ah Oo Laga Sameeyay Xiddigaha Xorta Noqon Doona Xagaaga Dambe

Xilli ciyaareedka cusub ee 2019/2020 ayaa ah mid bilow ah iyada oo la ciyaaray 3-dii bilood ee ugu horeeyay tartamada kala duwan ee qaarada yurub laga ciyaaro.

Laakiin taas ayaan meesha ka saarin in wargayska The Sun sameeyo laba shaxood oo cajiib ah oo ku tartami kara koobabka oo ay ka sameeyeen xiddigaha xorta uga tagi doona kooxohooda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddigo badan oo heer caalami ah waliba ka mid ah xiddigaha ugu fiican qaarada yurub ayuu dhici doonaa heshiiska ay kula jiraan kooxohoodu dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Hadii aynu magacawno xiddigaha ugu magaca weyn ayaa Luka Modric, David Silva Christian Eriksen, Willian, Milner, Cavani, Pedro iyo waliba xiddigo kale oo aad u badan.

Hadaba Halkan Hoose Kaga bogo 2-da shaxdood ee cajiib ah ee uu wargayska The Sun ka sameeyay xiddigaha heshiiskoodu dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedkan waliba xagaaga.

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*