Koox Weyn Oo Premier League Ah Oo Man United Ku Cidhiidhinaysa Ivan Rakitic

Kooxda Man City ayaa lagu soo waramayaa in ay Man United ku Cidhiidhinayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Ivan Rakitic iyaga oo xiddiga reer Croatia ka dhigtay bartilmaameed.

Xilli uu Pep Guardiola sheegayo in ayna kooxdiisu suuqa January gali doonin hadana arintaas ayaa badali doonta kadib markii ay kooxdiisu si xun ku bilaabatay horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Marka loo eego in uu David Silva isaga tagi doono kooxda Xagaaga City ayaa suuqa u gali doonta xiddig khadka dhexe ah oo khbrad fiican leh.

Wararka ka imaanaya Spain ayaa sheegaya in uu Rakitic yahay xiddiga uu Guardiola doonayo in uu kooxdiisa keeno suuqa xagaaga.

31 jirkan ayaa ku dhibaatoonaya kooxda Barcelna isaga oo kaliya ku bilowday hal kulan oo La Liga sidoo kale kale kayd ka soo kacay.

Kooxda Man United ayaa lala xidhiidhinayaa saxiixa xiddiga xilli ay haatanba wadahadalo kala qaateen kooxda Man United.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*