Kante, Mandzukic, Giroud, Bale, Mourinho, Coutinho, Ronaldo & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Suuqa kala iibsiga ayaan haatan furnayn iyada oo ayna kooxduhu la soo saxiixan karin wax xiddigo ah oo heshiisyo ku jira.

Laakiin arintaas ayaan la macno ahayn in ayna jiri doonin waxa kooxaha reer yurub la xidhiidhinaya xiddigaha kala duwan.

Kooxaha ayaa isku diyaarinaya suuqa Janaury ee sanadka cusub oo ay inaga xigaan bilo iayab oo wakhtigaas la saxiixan kara xiddigaha ay doonayaan.

Hadaba kooxda.com ayaa si maalin leh ah idiinku soo gudbin doonta wararka ugu dambeeya ee suuqa kala iibsiga ciyaartooyda ee ay qoraan wargaysayda.

Kooxda Real Madrid ayaa diyaar u ah in ay 86 milyan oo euro iyo waliba xiddiga James Rodriguez ku dalbato xiddiga khadka dhexe ee N’Golo Kante (El Desmarque).

Kooxda Man United ayaa Mario Mandzukic u sheegtay in uu hoos u dhigo mushaharkiisa si uu ugu soo biiro Old Trafford suuqa January (ESPN).

Agaasimaha Kooxda Juventus ee Fabio Paratici ayaa meesha ka saaray in uu Cristiano Ronaldo ka tagi doono kooxda Juventus isaga oo sheegay in uu xiddigu ku faraxsanyahay Turin (Star).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Ivan Rakitic ayaa iska diiday in uu ku biiro kooxda Man United sabab la xidhiidha dhibaato qoyskiisa ah (Sport Mole).

Ivan Rakitic ayaa dhanka kale diyaar u ah in uu ku biiro kooxaha Juventus ama Inter Milan suuqa January (Marca).

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaan qorshaynayn in uu suuqa galo suuqa January (The Athletic).

Kooxda Tottenham ayaa la xidhiidh tababare Jose Mourinho xilli uu shaki ku jiro mustaqbalka tababare Mauricio Pochettino (Express).

Weeraryahanka kooxda Chelsea ee Olivier Giroud ayaa diyaar u ah in uu isaga tago kooxda Chelsea marka la gaadho suuqa January iyada oo kooxda Inter Milan ugu cad-cadahay saxiixiisa (Sun).

Philippe Coutinho ayaa laga yaabaa in uu ku soo laabto kooxda Liverpool xagaaga dambe hadii ayna Bayern Munich toos ula wareegin (AS).

Fashilkii Arsenal ee champions League xilli ciyaareedkii 2016/2017 ayaa ka khasaariyay fursad ay kula saxiixan lahaayeen xiddiga Antoine Griezmann (Star).

Kooxda Inter Milan ayaa doonaysa in ay kor u qaado qiimaha lagu bur-burin karo heshiiska xiddiga Lautaro Martinez (Tuttosport).

Kooxda Man United ayaa wadahadalo dhab ah kula jirta tababarihii hore ee kooxda Juventus ee Massimiliano Allegri (Tuttosport).

Kooxda Man City ayaa badalka Sergio Aguero u calaamadsatay xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Inter Milan ee Lautaro Martinez (Calciomercato).

Kooxda Man United ayaa iska diiday saxiixa xiddiga Kooxda PSG ee Neymar ka hor intii uuna xidhmin suuqii xagaaga (The Athletic).

Kooxda Real Madrid ayaa ka fiirsanaysa in ay 69 milyan oo euro ku dalbato xiddiga wacdaraha ka dhigaya kooxda Bayern Munich ee Serge Gnabry (Don Balon).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*