Kadib Kulan 10 Gool La Kala Dhaliyay Liverpool Oo Guul Ka Gaadhay Arsenal Iskana Xaadirisay 8 Dhamaadka Carabao Cup-ka

Kulan xiiso lahaa oo goolal badan la kala dhaliyay ayaa ka dhacay garoonka Anfield kana tirsanaa wareega 16-ka ee tartanka Carabao cup-ka kaas oo dhex maray kooxaha Arsenal iyo Liveprool.

Kulanka ayaa ahaa mid xiddigo da,yar ah u badnaayeen iyaga oo labada tababareba fursad siiyeen xiddigaha da,yarka ah ee kooxda iskana nasiyay xiddigaha kooxda 1-aad.

Liverpool ayaa wakhti hore heshay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu daafaca Arsenal ee Shkodran Mustafi si khaldan goolkiisa isaga dhaliyay hogaankana u dhiibay Liverpool.

Kooxda Arsenal ayaan Samrin waxana ay bilowday raadinta goolka bar-baraha ciyaarta iyo waliba in ay ku soo laabtaan ciyaarta iyaga oo qaadayay weeraro.

Daqiiqadii 19-aad ayay Arsenal dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Lucas Torreira kaas oo ciyaarta ka dhigay bar-baro 1/1 ah.

Kooxda Arsenal ayaa bilowday Raadinta goolal kale iyo waliba in ay hogaanka u qabato ciyaarta markooda iyaga oo samaynayay fursado kana faa,iidaysanayay khaladaadka daafacyada Liverpool.

Daqiiqadii 26-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Gabriel Martinelli kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa Arsenal.

Isla xiddiga Gabriel Martinelli ayaa soo laabtay daqiqadii 36-aad waxana uu dhaliyay goolkii 2-aad ee shaqsiga iyo waliba goolkii 3-aad ee kooxdiisa.

Liverpool vs Arsenal - Carabao Cup 2019/20: Live score and updates

Kooxda Liverpool ayaa gool iska soo baday ka hor intii ayna dhicin qaybtii hore ee ciyaartu iyaga oo uu rikoodhe u dhaliyay xiddiga James Milner kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/2.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay Arsenal sii dheeraystay goolka iyaga oo isla daqiiqadii 54-aad ay dhaliyeen goolka 4-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Ainsley Maitland-Niles kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/2.

Liverpool ayaa daqiiqadii 58-aad soo ceshatay gool kale iyaga oo uu si qurux badan ugu dhaliyay xiddiga Alex Oxlade-Chamberlain kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/3 ay Arsenal wali ku hogaaminayso ciyaarta.

Reds ayaa sii waday raadinta bar-baraha waxana ay daqiiqadii 62-aad dhaliyeen goolka 4-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Divock Origi Kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/4.

Da,yarka Arsenal ee Joseph Willock ayaa daqiiqadii 70-aad dhaliyay gool wareer ah oo uu kooxdiisa hogaanka ugu dhiibay kana dhigay ciyaarta 5/4 ay Arsenal ku hogaaminayso ciyaarta.

Laakiin Daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta ayay Liverpool dhalisay goolka bar-baraha ee 5-aad iyaga oo uu si qurux badan ugu dhaliyay xiddiga Divock Origi kaas oo ciyaarta ka dhigay 5/5.

Waxa sidaas ku dhamaatay 90-kii daqiiqo ee ciyaarta iyaga oo ay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro waali ah oo 5/5 ah waxana loo qabtay rikoodhayaal si ay u kala baxaan labada kooxood.

Waxana ay rikoodhayaal 5/4 guushu ku raacday kooxda Liverpool oo sidaas isaga xaadirisay wareega 8 Dhamaadka tartanka Carabao Cup-ka xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*