Inter Milan & Man United Oo Go’aan Ka Gaadhay Alexis Sanchez Kadib Dhaawacii Halista Ahaa Ee Soo Gaadhay

Kooxaha Manchester United & Inter Milan ayaa warbixin ka soo saaray Alexis Sanchez kadib markii ay labada kooxoodba xaqiijiyeen dhaawac soo gaadhay xiddiga.

Weeraryahanka Man United oo haatan heshiis amaah ah kula jooga kooxda Inter Milan ayuu soo gaadhay dhaawac intii uu ku jiray waajibaadka xulka qarankiisa chile.

30 jirkan ayuu dhaawac halis ah ka soo gaadhay kuraanta lugta midig kulankii uu xulka qarankiisa chile bar-baraha la galay xulka Colombia.

Dhaawaca xiddiga soo gaadhay ayaa dhacay daqiiqadii 88-aad waxana uu tababaraha xulka Chile ee Reinaldo Rueda sheegay in uuna xiddigu mar kale ciyaari karin sanadkan.

“Waxa uu mari karaa qaliin”ayuu Reinaldo Rueda yidhi.

“Kooxda Man United iyo Inter ayaa go’aamin doona”.

“Waxana uu garoomada ka maqnaan karaa muddo 2 ilaa 3 bilood ah”.

Labada Kooxood ayaa ka wada hadlay xaalada xiddiga iyaga oo go’aansaday in uu Sanchez u duulo Barcelona si uu maanta u maro baadhitaan dheeraad ah si loo ogaado in uu qaliin u baahan karo.

kadib dhaawaca kooxda Man United ayaa dhankeeda bogeeda Internet-ka ku soo qortay” Qof walba oo Man United ah Waxa uu Alexis U rajaynayaa soo kabsasho deg-deg ah”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*