Guardiola Oo Madaxda Man City U Sheegay In Uu Isaga Tagayo Kooxda Hadii Halkan Arin Dhacdo

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa ku adkaysanaya in uu isaga tago kooxda labadii sano ee ugu dambeeyay ku guulaysatay horyaalka premier League sida ay uu sheegayo wargayska The Sun.

Wargayska ayaa sheegaya inuu tababare Guardiola la hadlay mid ka mid ah Madaxda kooxda isaga oo u sheegay in uu sii joogi doono Man City ilaa inta ay si fiican wax ugu socdaan kooxda.

Guardiola ayaa isaga tagi doona hadii ay kooxdu gasho xaal xun wakhtiga soo socda ka hor inta aan shaqada laga caydhin.

Tababaraha reer Spain ayaa sheegay in uu wax walba u qaban doono kooxda sidii uu u caawin lahaa waliba ugu hor seedi lahaa in ay horay u socoto.

Tababare Guardiola ayaa kooxda Man City ku hogaamiyay laba horyaal oo xidhiidh ah laakiin kooxdiisa ayaa qaab ciyaareed xun ku jirta xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*