Granit Xhaka Oo Taageerayaasha Arsenal Ka Raali Galiyay Dhacdadii Kulankii Crystal Palace

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Arsenal ee Granit Xhaka ayaa taageerayaasha Arsenal ka raali galiyay dhacdadii kulankii Crystal Palace ee horyaalka premier League.

Xiddiga reer Swiss ayaa Aflagaadeeyay taageerayaasha Kooxda Arsenal markii badalka lagu sameeyay kulankii ay Arsenal bar-baraha 2/2 ah la gashay kooxda Crystal Palace.

Kadib markii ay Arsenal iska khasaarisay 2 gool oo ay ku hor martay kulankii Crystal Palace kuna baxday bar-bar- 2/2 ah ayuu Unai Emery Granit Xhaka ku badalay xiddiga Bukayo Saka waxa ay taageerayaasha Arsenal ku oriyeen Xiddiga reer Swiss sabab la xidhiidha in uu horay uga bixi waayay ciyaarta.

Xhaka ayaa ku jawaabay in uu calaamada kabtanimo dhulka ku tuuray kadib Aflagaadeeyay taageerayaasha Guuners ka hor inta uuna si toos ah uga bixin ciyaarta.

“Kadib markii aan wakhti ku qaatay in aan dib u qiimeeyo wixii dhacay Axadii, waxa aan doonayaa in aan bixiyo sharaxaad halkii aan ka jawaabi lahaa”ayuu Xhaka yidhi.

“Wixii dhacay markii badalka la igu sameeyay ayaa iga xanaajisay, waan jecelahay kooxda mar walbana waxa aan siin doontaa 100% hadii aan garoonka ku jiro iyo hadii kaleba”.

“Dareenkayga may fahmin taageerayaashu, waxana aan la kulmay Aflagaado iyo waliba cay kadib ciyaarta todobaadyadii ugu dambeeyay iyo bilihii ugu dambeeyay, dadku waxa ay ii soo qoreen waxayaabo ah” waxa aan kaa jabin doonaa lugaha, waxa aan dili doonaa xaaskaaga, waxa aan rajaynayaa in Gabadhaada Kansal ku dhoco, taas ayaana iga xanaajisay waxana aan gaadhay halkii ugu dambaysay ee dareenkay markii ay taageerayaashu igu oriyeen”.

“Kadib dhacdadaas waan is qaban kari waayay waxana aan u dhaqmay arin Ixtiraam daro ku keentay taageerayaasha kooxda, xiddigaha kooxda iyo waliba aniga naftayda, laakiin ma doonayn in ay arintaas dhacdo waanan ka xumahay, hadii ay taageerayaashu ka xumaadeen”.

“Waxa aan rajaynayaa in aan ku laabano halkii markii hore ee ahayd in aan isku Hayno Ixtiraam iyo Jacayl horayna u wada socono inaga oo wada jir ah”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*