FIF VIRUS: Neymar Oo Dhaawac Looga Saaray Kulanka Uu Xulka Brazil La Ciyaarayo Nigeria, Sidee Ayay Wax U Soo Gaadheen?

Xiddiga kooxda PSG ee Neymar ayaa dhaawac looga saaray kulanka saaxiibtimo ee uu xulka qarankiisa Brazil la ciyaarayo xulka qaranka Nigeria.

Neymar ayaa ciyaarta ka baxay daqiiqadii 13-aad ee qaybtii hore kadib markii uu dhaawacmay iyada oo lagu badalay xiddiga kooxda Bayern Munich ee Philippe Coutinho.

Xiddiga 27 jirka ah ayaa u muuqday mid ka dhaawacmay muruqa sida uu sheegayo wargayska reer Spain ee AS taas oo dhibaatoku ah xiddiga kaas oo dhawaan ka soo kacay dhaawac.

Sidoo kale dhaawacan ayaa dhirbaaxo ku ah kooxda PSG kuwaas oo si weyn ugu tiirsan xiddiga reer Brazil xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*