Eden Hazard Oo Kashifay Wakhtigii Uu Go,aansaday In Uu Isaga Tago Chelsea

Xiddiga Garabka uga ciyaara kooxda Real Madrid ahna xiddigii hore ee Chelsea ee Eden Hazard ayaa shaaca ka qaaday wakhtigii uu go,aansaday in uu isaga tago Chelsea kuna biiro kooxda Real Madrid.

Eden Hazard ayaa sheegay in uu go,aansaday in uu isaga tago Chelsea kuna biiro Real Madrid sanad ka hor intii uuna ku biirin kooxda Los Blancos.

Xiddiga reer Belguim ayaa Ka tagay Chelsea kadib 7 sano oo cajiib ah oo uu la qaatay Blues una dhaliyay in ka badan 100 gool kooxdana kula guulaystay Premier League, 2 Europa League, FA Cup iyo Carabao Cup.

Inkasta oo uu halyeey ka noqday Blues hadana Hazard ayaa si cad u sheegay in uu doonayo in uu ku biiro Real Madrid oo uu taageere u ahaa ilaa yaraantiisii.

28 jirkan oo la hadlaya Real Madrid TV ayaa yidhi” Waxa aan go,aansaday in aan isaga tago Chelsea koobkii adduunka waxana aan doonayay in aan ku biiro Real Madrid”.

“Suurtagal iima ahayn in aan sanad kale ku qaato Chelsea kooxduna way i fahantay wayna ii ogolaatay in aan isaga tago kooxda”.

“Riyadayda ayaa mar walba ahayd in aan u ciyaaro Real Madrid, waana kooxda ugu weyn adduunka waan ku faraxsnahay in aan ku soo biiray”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*