Dawlada Spain Oo Joojisay In La Ciyaaro Kulanka El Clasico 26 Bishan & Wakhtiga Cusub Ee La Ciyaari Karo Oo La Ogaaday

Xidhiidhka kubada cagta Spain iyo Madaxda horyaalka La Liga ayaan doonayn in la ciyaaro kulanka El Clasico ee dhex mari doona kooxaha Barcelona iyo Real Madrid kaas oo dhici doona 26 bishn.

Waxa jirta cabsi laga qabo Amni daro sabab la xidhiidha dhibaatooyinka siyaasadeed ee ka socda Catalonia maalmihii ugu dambeeyay.

Labada kooxood ayaa diiday in kulanka 1-aad lagu ciyaaro Garoonka Estadio Santiago Bernabeu si kulanka 2-aad loogu ciyaaro kooxda Barcelona bisha March.

Dawlada Spain ayaa sidoo kale ka soo hor jeeda in kulanka El Clasico lagu ciyaaro Camp Nou 26 bishan haatan lagu jiro.

Sidaas darteed madaxda dhinacyada kala duwan ayaa raadinaya wakhti kale oo la ciyaaro kulan wargayska MARCA ayaana sheegaya in kulanka la ciyaari doono 18 bisha December.

18 bisha December ayaa ku beegan maalin Isniin ah mana ahan wakhti uu xidhiidhka La Liga ogolyahay in la ciyaaro laakiin waa halka wado ee ay Aqbali karaan dhinacayada kala duwan.

Go,aanka kama dambaysta ah ayaa ku jira xidhiidhka Spain iyada oo loo codayn doono si loo qanciyo 3-da dhinc si isniinta loo ciyaaro kulanka.

Dhibaatada kaliya ee jirta ayaa ah in wakhtigaas ku aadi doono wareega ugu horeeya ee Copa Del Rey-ya laakiin kooxaha Barcelona, Real Madrid, Atletico Madrid & Valencia ayaan ciyaari doonin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*