Dani Ceballos Oo Si Maldahan U Go,aamiyay Mustaqbalkiisa, Miyuu Sii Joogayaa Arsenal Mise…?

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal ee Dani Ceballos ayaa dib u helay farxadii uu ku lumiyay Real madrid tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda Premier League ee Arsenal.

Xiddiga reer Spain ayaa heshiis amaah ah ugu biiray kooxda Arsenal isaga oo qalinka ku duugay heshiis hal sano ah oo uu ku joogi doono Emirates.

Ku Biiristii Dani Ceballos ee Real Madrid ayaan u dhicin sidii uu qorshaynayay maadama uu xiddigu ku dhibaatooday in uu boos joogto ah ka helo kooxda Real Madrid.

“Way iska cadayd in aan doonayay in aan isaga tago kooxda”ayuu Dani Ceballos yidhi.

“Waxa aan noqday mid guulaystay tan ilaa markii aan ka tagay kooxda, haatan waxa aan ku faraxsanahay meesha aan joogo waxa aan doonayaa in aan halkan sii joogo”.

“Sababtii aan uga tagay Real Madrid ayaa ahayd in aan ku biiro koox aan joogto ugu ciyaaro waliba ku raaxaysto kubada cagta”.

Hadalkan ayaa u muuqda mid uu Ceballos ku go,aansaday in uu doonayo in uu sii joogo kooxda Arsenal wixii ka dambeeya heshiiskiisa Amaahda.

Kooxda Arsenal ayaa dib wadahadalo ula furi doonta Real Madrid hadii ay doonayso in ay toos ula wareegto xiddiga maadama aan markii hore lagu darin heshiiska in ay Gunners si toos ah ula wareegto xiddiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*