Dani Ceballos Oo Fariin U Diray Taageerayaasha Arsenal Kadib Rikoodhadii Uu Ka Khasaariyay Kooxda Kulankii Liverpool

Kooxaha Arsenal iyo Liverpool ayaa wada ciyaaray kulan waali ahaa oo Carabao Cup-ka ahaa kaas oo ku dhamaaday rikoodhayal uu dhaliyay xiddig walba oo laagtay marka laga reebo Dani Ceballos.

Xiddiga reer Spain ayaa raadli galin ka siiyay taageerayaasha Arsenal kadib markii uu rikoodhada ka khasaariyay kooxda laakiin balanqaaday in uu sii wadi doono qaadashada masuuliyada rikoodhada.

“Marna ma joojin doono in aan isku dayo”ayuu ku soo qoray bogiisa Twitter-ka.

“Marna Iska Qarin maayo in aan ka cabsado fashilka”.

“Hadii aan mar kale helo waxa aan qaadan doonaa masuuliyada shaki la,aan”.

“Waan ka xumahay taageerayaashayda, laakiin waxa aan doonayaa in aad ogaataan in aan Nafta u huri doono kooxdan”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*