Daawo: Xiddig Ku Fashilmay Premier League Oo Aubameyang Adduunka Ku Ceebeeyay.

Xiddiga Adel Taarabt oo horay ugu fashilmay kooxda Tottenham ayaa ceebtii ugu weynayd dusha u saaray weeraryahanka kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang intii lagu jiray kulankii uu xulka Gabon guusha ka gaadhay xulka Morocco kulan saaxiibtinimo ahaa.

Xiddigii hore ee kooxaha Tottenham iyo QPR ee Adel Taarabt ayaa farsamo waali ah ku ceebaystay gool dhaliyaha kooxda Arenal ee Pierre-Emerick Aubameyang intii ay socotay ciyaartu.

Dhacdada ayaa dhacday daqiiqadii 19-aad ee cyaarta iyada oo uu Taarabt soo jiitay kubad kadib si wareer ah u ceebaystay Pierre-Emerick Aubameyang taas oo la isla dhex marayo baraha bulshada.

Mid taageerayaasha kubada cagta ah ayaa yidhi” Taarabt waxa uu Pierre-Emerick Aubameyang u diray London”.

Mid kale ayaa yidhi” Pierre-Emerick Aubameyang Way ka dhamaatay”.

Taageere Arsenal ah ayaa isagu qoray” Wa wal-walin Pierre-Emerick Aubameyang cid walba way ku dhacdaa”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*