“Cristiano Ronaldo Ayaa Ka Fiican Pele Halkan Arin Ayaana Cadayn U Ah”.

Jorge Mendes ayaa sheegay in uu xiddiga kooxda Juventus iyo xulka qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo ka fiicanyahay Pele.

Mendes oo ah wakiilka Cristiano Ronaldo yaa hadalkaas sheegay kadib markii uu xiddiga wakiilka u yahay dhaliyay goolkiisii 700-aad ee xirfadiisa ciyaareed.

“Cristiano Ronaldo uu ka fiican yahay Pele”ayuu Mendez u sheegay Tuttosport.

“Waxa Cadayn U Ah Lambaradiisa iyo rikoodhada uu jabinayo taas oo muujinaysa in uu ka mid yahay xiddigaha ugu fiican taariikhda kubada cagta”.

“Waxa uu koobab kula guulaystay kooxo kala duwan hadii ay Noqoto, England, Spain iyo Hatan oo Italy ah sidoo kale Portugal”.

“Waxa uu 3 Final u ciyaaray Xulka Portugal 2 ka mid ahna wuu kula guulaystay, Walina waxa ka soo socda wax fiican”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*