CODDAYN: Taageerayaasha Man United Oo Coddayn Ku Go’aamiyay Mustaqbalka Tababare Soslskjaer, Miyay Doonayaan In La Caydhiyo Mise?

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Soslkjaer ayuu cadaadisku ku jiir kordhayaa kadib qaabkii xumayd ee ay kooxdu ku bilaabatay xilli ciyaareedkan.

Man United ayaa kaliya guul gaadhay 2 kulan 8-dii kulan ee ay ciyaareen premier League iyaga oo ku jira kaalinta 12-aad ee kala saraynta iyaga oo leh kaliya 9 dhibcood.

Natiijadii Newcastle ayaa xaalka ku sii xumaysay kooxda Man United iyaga oo kaliya 2 dhibcood u jira boosaska looga hadho horyaalka premier League.

Kadib markii ay Kooxdu ku bilaabatay sidii ugu xumayd muddo 30 sano ah taageerayaasha Man United ayaa codkooda ka dhiibtay mustaqbalka tababare Ole Gunnar Solskjaer.

64.4% ayaa dalbaday in shaqada laga Caydhiyo tababare Ole Gunnar Soslkjaer iyaga oo ku sababeeyay” Hala Caydhiyo sababta oo ah wax is badalay ma lahan kooxdu hoos ayay u sii socotaa”.

35.6% ayaa iyagu u codeeyay in wakhti la siiyo tababaraha waliba iyaga oo ku sababeeyay”Maya Wakhti ha Lasiiyo kaliya waxa uu kooxda hogaaminayaa tan ilaa bishii March”.

Hadaba Akhriste/taageere maxaad ku codayn lahayd adigu:

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*