Christian Pulisic Oo Kashifay Cadaadiska Dheeraadka Ah Ee Uu Ku Wajahayo Chelsea Marka Loo Bar-Bar Dhigo Xiddigaha Kale Ee Kooxda.

Christian Pulisic ayaa Rumaysan in cadaadiska in uu yahay Xiddig ka soo jeeda America uu yahay cadaadis dheeraad ah oo uu kaga duwan yahay xiddigaha kale ee chelsea xilli uu u dagaalamayo mustaqbalkiisa chelsea.

Xiddiga Christian Pulisic ayaa si hoose ku bilowday noloshiisa Stamford Bridge kadib markii uu 50 milyan oo euro ugu soo biiray kooxda isaga oo aan ku bilaaban kulan premier League ah tan ilaa bishii August.

21 jirkan ayaa kooxda chelsea kaga soo biiray Borussia Dortmund isaga oo ku jiraa qaab ciyaareed fiican laakiin ku dhibaatooday in uu qaab fiican ku soo bandhigo kooxda Frank Lampard.

Waxana laga yaabaa in uu saaran yahay cadaadis dheeraad ah ah marka loo eego in la filayay in uu noqdo xiddigii badali lahaa Eden Hazard kaas oo ku biiray Real Madrid waxana uu Christian Pulisic qirtay in uu dareemayo cadaadiska.

Christian Pulisic ayaa sheegay in ka soo jeedkiisa dalka Maraynkanka in ay door ka qaadanaysa in uu ku dhibaatoonayo horyaalka premier League.

“Si fiican ayaad dareemaysaa bilowga hadii aan runta ka hadlo”ayuu Christian Pulisic Yidhi.

“Waxa aad dareemaysaa wax fiican marka aad aragto dadka oo kaa hadlaya, “Woow, wiilkan yar wuu fiicanyahay waa mid cajiib ah waxa uu u ciyaarayaa si fiican waxana uu goolal u dhalinayaa xulkiisa isaga oo da,yar ah”ayuu u sheegay Trbune.

“Marka aad wax fiican dareento kadib waxa ku fuulaya cadaadis badan iyada oo lagaa filanayo waxyaabo badan”.

“Jiilka haatan jooga waxa ay ku adagtahay xiddigaha da,yarka ah gaar ahaan marka ay dadku in badan kaa hadlaan taas oo cadaadis kuu saaraysa dhabar”.

“Gaar ahaan xiddigaha u dhashay America sababta oo ah xulkeena may soo marin xiddigo heer caalami ah sanadihii uu jiray taas ayaana keenaysa cadaadiska dheeraadka ah”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*