Barcelona & Real Madrid Oo Ka Jawaabay Dalabkii Xidhiidhka La Liga Ee Ahayd In La Badalo Kulanka 1-aad Ee El Clasico

Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay diideen in kulanka ugu horeeya ee horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkan lagu ciyaari garoonka Real madrid.

Wargayska MARCA ayaaa sheegaya in ay labada kooxoodba diideen qorshaha ahaa in kulanka ugu horeeya ee El Clasico ee horyaalka La Liga lagu ciyaaro garoonka Real Madrid ee Santiago Bernabeu stadium halkii lagu ciyaari lahaa Garoonka Barcelona Camp Nou.

Barnaamijka El Chiringuito ayaa sheegay in ay maamulka Real Madrid diideen qorshahaas si la mid ah wargayska El Mundo Deportivo ayaa sheegay in ay Barcelona sidoo kale diiday qorshahaas.

Sababta uu xidhiidhka La Liga u codsday arintaas ayaa ah cabsi laga qabo daganaansho la,aanta gobolka Catalinia sabab la xidhiidha siyaasiyiintii gobolkaas ee bilowgii todobaadkan la xidhay.

Kulanka ayaa loo balansanyahay in lagu ciyaaro Camp Nou 26 bishan October laakiin daganaansho lamaanta Catalonia ayaa keentay in ay madaxda Horyaalku Barcelona ka codsadaan in kulanka loo soo badalo Santiago Bernabeu stadium.

Hadii ay Barcelona Aqbasho dalabkaas waxa ay la macno tahay in kulanka lugta 2-aad ee El Clasico lagu ciyaari doono Barcelona halkii lagu ciyaari lahaa Madrid.

Kulanka El Clasico ee xilli ciyaareedkan ugu horeeya ayaa noqon doona midkii ugu horeeyay tan ilaa markii maxkamada sare xukuntay Madxda Catalonia.

Sidaas darteed waxa laga cabsi qabaa in mudaharaadayaal badan ay dhici doonaan sidaas darteed waxa ay labada kooxoodba dan ugu jirtaa in la badalo garoonka kulanka.

Xaalada daganaansho la,aanta ee haatan ka jirta ayaa xitaa saamayn ku yeelanaysa qorshaha Barcelona ee safarka ay u safri doonaan Eibar todobaadka dambe iyada oo la sheegayo in ay xiddigaha kooxdu Bas ku tagi doonaan Eibar halkii ay diyaarad raaci lahaayeen sabab la xidhiidha mudaharaadyada ka socda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*