Barcelona Oo Go,aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Ivan Rakitic, Miyaa La Iibinayaa Mise?

Wararka ka imanaya dalka Spain ayaa sheegaya in ay kooxda Barcelona haatanba go,aan ka gaadhay mustaqbalka xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxdeeda ee Ivan Rakitic.

Wargayska AS ayaa sheegaya in ay kooxda Barcelona go,aansatay in ay suuqa January iska iibiyaan xiddiga Ivan Rakitic marka loo eego in ay kooxdu khadka dhexe ku haysato xiddigo fiican oo kala ah Frenkie de Jong, Sergio Busquets, Arturo Vidal iyo Arthur Melo.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu xiddiga khadka dhexe ee reer Croatia ogsoonyahay rabitaanka kooxda Barcelona ee ah in a iska iibiso marka la gaadho suuqa January.

Barcelona ayaa doonaysay in ay iska fasaxdo Rakitic suuqii xagaaga laakiin xiddiga ayaa ugu dambayn sii joogay kooxda xilli uuna xilli ciyaareedkan si joogto ah ugu ciyaarin Barcelona.

Rakitic ayaa suuqii xagaaga xiiso ka helay kooxaha Inter Milan iyo Juventus si la mid ah kooxaha premier League ee Man United iyo Arsenal laakiin xiddiga ayaa ku sii negaaday Camp Nou.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*