Barcelona Oo Aaminsan 3 Kooxood Oo Premier League Ah Oo La Wareegi Doona Philippe Coutinho Xagaaga Dambe Hadii Ay Bayern Munich Diido

Xiddigii hore ee kooxda Liverpool ee Philippe Coutinho ayaa dib ugu soo laabtay qaab ciyaareedkiisii fiicnaa kadib markii uu heshiiska Amaahda ah ugu biiray kooxda Bayern Munich.

Xiddiga reer Brazil ayaa mar kale ku raaxaysanaya kubada cagta kadib markii uu 18 bilood oo adag ku qaatay Catalona kooxda Barcelona ayaana haatanba qorshaynaysa in ay si toos ah u iibiso.

Waxa ay doonayaan in ay hubiyaan in uu Philippe Coutinho ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee Barcelona iyaga oo aan doonayn in ay dib u soo celiyaan xiddiga.

Wargayska AS ayaa sheegaya in ay kooxda Barcelona ku kalsoontahay in ay kooxaha premier League soo dalban doonaan xiddiga hadii ay Bayern Munich diido in ay toos ula wareegto xiddiga.

Liverpool ayaa la aaminsan yahay in ay tahay dookha Philippe Coutinho Marka loo eego in uu halkaas ku soo qaatay 5 sano oo cajiib ah kuna noqday boqorka taageerayaasha Reds.

Tababare Jurgen Klopp ayaa sidoo kale la sheegayaa in ay u badantahay in uu xiddiga siiyo fursad uu ugu soo laabto kooxda kadib markii uu qirtay in uu doonayay adeegiisa suuqii xagaagii la soo dhaafay.

Kooxaha kale ee ay Barcelona Aamisnantahay in ay u dhaqaaqi doonto saxiixa xiddiga ayaa ah Man United iyo Chelsea kuwaas oo sidoo kale xiiso u muujiyay saxiixa xiddiga khadka dhexe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*