Arsenal Oo Loo Sheegay In Ay Haystaan Xiddig La Tayo Ah Cristiano Ronaldo & Kylain Mbappe

Nicolas Pepe ayaa guulo la gaadhi doona kooxda Arsenal sababta oo ah waxa uu leeyahay tayo la mid ah mida Cristiano Ronaldo.

Waxa sidaas yidhi Agaasimaha kooxda Lille ee Luis Campos kaas oo xagaagii hore xiddiga reer Ivory Coast ka iibiyay kooxda Arsenal.

Pepe ayaan wali wax saamayn ah ku yeelan Arsenal tan ilaa markii uu 72 milyan oo euro ugu soo biiray kooxda isaga oo dhaliyay kaliya hal gool oo rikoodhe ka yimid.

Laakiin Campos ayaan wax shaki ah ka qabin in uu 24 jirku qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigi doono Emirates sidii Cristiano Ronaldo ugu soo bandigay.

“Fikir ahaantayda mid ka mid ah shaqsiyadiisa ayaa ah in uu yahay xiddig weyn waliba jecel kubada cagta Wax walbana ka garanaya kubada”ayuu Campos u sheegay Sky Sport.

“Waxa aan Xasuustaa la shaqayntii Cristiano Ronaldo iyo Nicolas Pepe: waxa ay wax walba ka garanayeen kubada cagta, Mbabppe waxa uu garanayay dhamaan Natiijooyinka heerka 2-aad ee France”.

“Nicolas Pepe Waa sidaas oo kale,waana Tusaale kale xiddig kale oo jecel kubada cagta”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*