Arsenal Oo Dib U Helaysa Xiddig Muhiim Ah Kulanka Sheffield United

Kooxda Arsenal ayaa dib u heli doonta xiddiga Alexandre Lacazette kulanka Sheffield United ee horyaalka premier League kulanka dhici doona Isniinta kadib markii uu ka soo kabsaday dhaawacii uu ku maqnaa.

Gunners ayaa u safri doonta garoonka Brammall Lane si ay ula ciyaarto kooxda Sheffield United kulan ka tirsan todobaadkii 9-aad ee horyaalka premier League.

Kooxda Sheffield United ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigtay kulamada garoonkeeda xilli ciyaareedkan iyada oo ay kooxihii waaweynaa ee kula ciyaaray ay dirqi uga badiyeen.

Weeraryahanka kooxda Arsenal ee Alexandre Lacazette ayaa dhaawac ku seegay kulamadii ugu dambeeyay kooxda Arsenal kadib markii uu dhaawac kaga maqnaa kooxdiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*