Alisson Becker Oo Qaaday Talaabo Uu Doonayo In Uu Taam Ugu Noqdo Kulanka Man United

Goolhaye Alisson ayaa ku hadhay garoonka Melwood ee ay ku tababarto Liverpool inta lagu jiro fasaxa xulalka si uu isugu dayo in uu taam u noqdo kulanka ay Liverpool la ciyaari doonto Man United.

Goolhayaha reer Brazil ayaa garoomada ka maqnaa tan ilaa kulankii ugu horeeyay ee horyaalka premier League kadib markii uu dhaawac kubka ah ka soo gaadhay kulankii Norwich City.

Adrian ayaa sii buuxiyay booska Goolhaye Alisson isaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed fiican oo Goolhayaha reer Brazil ka dul qaaday cadaadiska ah in uu si deg-deg ah garoomada ugu soo laabto.

Ka hor kulankii Leicester City Jurgen Klopp ayaa qirtay in uu Alisson ku dhawyahay in uu si buuxda ugu soo laabto garoomada.

Marka loo eego in ay kooxdiisu booqan doonto Old Trafford kadib fasaxa xulalka Goolhayaha Reds ayaa rajaynaya in uu taam u noqdo kulankaas kuna bilowdo shaxda.

Klopp ayaa xiddigaha aan ku maqnayn waajibaadka xulalkooda siiyay todobaad fasaxa ah laakiin Alisson ayaa ku hadhay garoonka tababarka Kooxda.

Goolhayaha ayaa doonaya in uu dib u helo awoodiisa jidh ahaaneed si uu mar kale ugu soo laabto shaxda kooxda kulanka Man United.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*