Alexis Sanchez Oo Sabab U Noqonaya In Ay Inter Milan Weerar Suuqa Ah Ku Qaado Chelsea & Xiddiga Ay Ka Doonayso Oo La Ogaaday

Kadib dhaawacii Alexis Sanchez kooxda Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa in ay u dhaqaaqayso saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Olivier Giroud marka la gaadho suuqa January.

Waxa si Rasmi ah loo xaqiijiyay in uu Alexis Sanchez oo amaah ugu jooga kooxda Inter Milan soo gaadhay dhaawac kuraanta ah isaga oo garoomada ka maqnaan doona muddo 2 ilaa 3 bilood ah.

Dhaawaca xiddiga ayaa keentay in ay kooxda Inter Milan raadiso weeraryahan dheeraad ah iyaga oo xojinta ka raadinaya Premier League.

Olivier Giroud ayaa si weyn uga niyad jabsan xaaladiisa kooxda chelsea isaga oo aan si joogto ah ugu ciyaarin kooxda ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Tababare Antonio Conte ayaa ka dabeeyay in ay kooxda chelsea saxiixa Olivier Giroud markii uu tababaraha u ahaa kooxda Chelsea isaga oo keenay kooxda suuqii January ee 2018.

Heshiiskiisa haatan ee kooxda chelsea ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana laga yaabaa in ay Blues ogolaato in ay iska iibiso xiddiga suuqa January.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*