Alex Oxlade-Chamberlain Oo Sharaxay Sababtii Uu U Dabaal Degi Waayay Kadib Goolkii Wareerka Ahaa Ee Uu Ka Dhaliyay Arsenal.

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Liverpool ee Alex Oxlade-Chamberlain ayaa sheegay sababtii uu ugu dabaal degi waayay goolkii uu u dhaliyay Liverpool kuankii Arsenal ee Carabao Cup-ka.

Kooxda Liverpool ayaa guul rikoodhayaal ah oo 5/4 ah ka gaadhay kooxda Arsenal kadib markii ay ciyaartu ku dhamaatay bar-baro 5/5 ah.

Alex Oxlade-Chamberlain ayaa gool wareer ah oo qurux badan u dhaliyay kooxda Liverpool laakiin aan u dabaal dagin goolka sabab la xidhiidha Dareenka uu u qabo kooxda Arsenal oo uu horay ugu soo ciyaaray.

Alex Oxlade-Chamberlain ayaa bogiisa Twitterka ku soo qoray” Waan ku faanayaa kooxda Liverpool, gaar ahaan xiddigaha da,yarka ah iyo waliba sidii ay u dagaalameen”.

“Waxa igu adkaatay in aan ku dabaal dago goolka sabab la xidhiidha Ixtirmaaka aan u qabo kooxdaydii hore”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*