Zinedine Zidane Oo Ka Hadlay Dhaleecaynta Uu La Kulmayo & Rabitaanka Taageerayaasha Real Madrid Ee Jose Mourinho

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa ka hadlay dhaleecaynta uu la kulmayo maalmihii ugu dambeeyay kadib guuldaradii PSG ee tartanka champions League.

Kooxda Los Blancos ayaa guuldaro 3/0 ah kala kulantay kooxda PSG kulan ka tirsanaa tartanka champions League kulankoodii ugu horeeyay ee wareega Group-yada tartanka.

Zidane oo la hadlaya saxaafada ka hor kulanka Sevilla ee horyaalka ayaa yidhi”Ma daneeyo waxa ay leeyihiin saxaafadu sababta oo ah waxa aan wali awood ku dareemayaa Real Madrid”

“Waxa aan garab taagnaan doonaa xiddigaha kooxda ilaa inta ay maamulka kooxdu fursadaas is siinayaan”.

Zidane oo wax laga waydiiyay rabitaanka taageerayaasha Real madrid ee jose Mourinho ayaa yidhi”Waxaas kama xanaaqayo imana dhibayso gabi ahaan waana xaqiiqada jirta”.

“Kama fikirayo waxa kale oo aan ka ahayn sidii aan Real Madrid ugu hogaamin lahaaa kulanka Sevilla”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*