YAAB: Cristiano Ronaldo Oo Kaligiis Ka Mushahar Badan 5 Xiddig Horyaalka Serier A-da.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo Ayaa ah xiddiga ugu mushaharka badan horyaalka Serie A-da kadib markii uu Juventus ku soo biiray xagaagii hore.

Cristiano Ronaldo ayaa Kooxda Juventus ka caawiyay in ay kooxda Juventus hesho iibinta maaliyada in ka badan intii ay markii hore iibin jirtay halka uu sidoo kale kor u qaaday dhanka daawacada ciyaarta kooxda iyo tigidhada ay iibsnayaan taageerayaashu.

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa kaligii ka mushahar badan 5 xiddig oo ka ciyaara horyaalka Serie A-da oo ay ka mid yihiin e Ligt, Lukaku, Godin, Donnarumma & Ribery.

Wargayska Gazzetta dello Sport ayaa kashifay mushaharka ay qaataan xiddigaha ugu mushaharka badan horyaalka Serie A-da xilli uu CR7 hogaaminayo Liiska.

Cristiano Ronaldo ayaa sanadkii kooxda Juventus uga qaata lacag dhan 31 milyan oo euro taas oo ka dhigtay xiddiga ugu mushaharka badan horyaalka Serie A-da.

Halkan Hoose kaga Bogo xiddigaha ugu mushaharka badan Serie A-da

  1. Cristiano Ronaldo (Juventus) –> 31 million euros
  2. De Ligt (Juventus) –> 8 million euros
  3. Lukaku (Inter) –> 7.5 million euros
  4. Higuain (Juventus) –> 7.5 million euros
  5. Dybala (Juventus) –> 7.3 million euros
  6. Ramsey (Juventus) –> 7 million euros
  7. Rabiot (Juventus) –> 7 million euros
  8. Pjanic (Juventus) –> 6.5 million euros
  9. Donnarumma (Milan) –> 6 million euros
  10. Koulibaly (Napoli) –> 6 million euros

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*