Xulka Qaranka Somalia Oo Guuldaro Madax-Xanuun Leh Kala Kulmay Zimbabwe Iskana Khasaariyay Fursad Ay Taariikh Ku Samayn Lahaayeen

Xulka qaranka Somalia ayaa laga ayaa reebay lagana dilay rajadii ay ka lahaayeen u soo bixista is reeb-reebka koobka adduunka Qatar 2022 kadib markii ay guuldaro kala kulmeen xulka Zimbabwe.

Kulanka ayaa ahaa mid ay baqdin weyn ku jirtay xulka qaranka Somalia kuwaas oo inta badan ee ciyaarta difaac ku jiray mar-marna qaadayay weerar aan meel dheer gaadhayn.

Xulka Somalia oo uu hogaamiyo Goolhaye Said Aweys Ali ayaa si cajiib ah u difaacday goolka qaybtii hore iyaga oo hor istaagay isku dayadii xulka Zimbabwe.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay bar-baro gool la,aan ah iyaga oo xulka Somalia helay rajo fiican oo ay uga gudbi karaan xulka Zimbabwe.

Laakiin xulka qaranka Somalia ayaa qaybtii dambe difaacan kari waayay goolkooda kadib markii 3 gool laga dhaliyay inkasta oo ay rajo fiican heleen oo ay gool dhaliyeen.

Daqiiqadii 77-aad ayuu xulka Zimbabwe dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Marshall Munetsi kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Laakiin daqiiqadii 85-aad ayuu xulka Somalia dhaliyay goolka bar-baraha kadib markii uu Omar Mohamed dhaliyay gool kadib khalad uu daafaca Zimbabwe sameeyeen.

Laakiin daqiiqadii 86-aad iyo 90-aad ayuu xulka Zimbabwe dilay ciyaarta iyaga oo ay laba gool u dhaliyeen xiddigaha Admiral Muskwe Iyo Khama Billiat kuwaas oo xulkooda ku hogaamiyay wareega xiga ee is reeb-reebka.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*