Xulalka Ethiopia & Djibouti Oo Iska Xaadiriyay Wareega Xiga Ee Is Reeb-Reebka Koobka Adduunka

Xulalka Ethiopia iyo Djibouti ayaa iska xaadiriyay wareega Xiga ee is reeb-reebka koobka adduunka kadib markii ay heleen natiijooyin fiican oo ka caawiyay in ay dhaafaan xulalkii la ciyaariyay.

Xulka Djibouti ayaa isagu si xarago leh isaga xaadiriyay wareega xiga ee is reeb-reebka koobka adduunka kadib markii uu 2/1 uga badiyay xulka Eswatini natiijada labadii kulan ee ay ciyaareen.

Xulka Djibouti ayaa kulankii lugta hore ku badiyay 2/1 halka uu kulankii lugta 2-aad bar-baro 0/0 ah la galay xulka Eswatini iyaga oo sidaas isaga xaadiriyay is reeb-reebka wareegiisa xiga.

Dhanka xulka Ethiopia ayaa si nasiib ah isaga xaadiriyay wareega xiga ee is reeb-reebka kadib markii ay la ciyaareen xulka Lesotho kulan bar-baro ku dhamaaday labada lugoodba.

Kulankii hore ayuu xulka Ethiopia bar-baro 0/0 ah la galay xulka Lesotho kaas oo ka dhacay dalkooda ka hor inta ayna lugta 2-aad 1/1 la galin xulka Lesotho iyaga oo xulka Lesotho iska dhaliyay goolka bar-baraha iyaga oo sidaas xeer ugu baxay wareega xiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*