XOG: 10-ka Xiddig Ee Ugu Goolasha Badan 5-ta Horyaal Ee Ugu Waaweyn Yurub Sanadka 2019

Sanadka 2019 ayaa lagu jiraa bilhii ugu dambeeyay isaga oo 3 bilood kadib si Rasmi ah u dhamaan doona lana soo afjari doono sanad xiiso lahaa dhanka kubada cagta dhacdooyin badana dheceen.

Sanadka 2019 ayay jiraan xiddigo badan oo dhaliyay goolal 5-ta horyaal ee ugu waaweyn iyada oo xiddiga kooxda PSG ee  Kylian Mbappé yahay xiddiga goolasha ugu badan dhaliyay sanadka 2019 ilaa haatan isaga oo dhaliyay 21 gool.

Xiddigaha horyaalka La Liga ka ciyaara ee Karim Benzema, Lionel Messi iyo xiddiga Man City ee Sergio Aguero ayaa dhankooda dhaliyay 20 gool sanadkan kulamada La Liga iyo Premier League.

Waxa kaalinta 3-aad ku jira xiddiga kooxda Liverpool ee Sadio Mane kaas oo dhaliyay 18 gool oo horyaalka premier League ah saandka 2019 iyada oo uu ku xigo xiddiga kooxda Leicester City ee Jamie Vardy kaas oo dhaliyay 15 gool oo premier League ah halka ay xiddigaha Raheem Sterling iyo Ashley Barnes dhaliyeen min 13 gool sanadkan.

Halkan Kaga bogo xiddigaha ugu goolasha badan sanadka 2019 horyaalada ugu waaweyn:

  1. Kylian Mbappé (PSG) 21 Gool
  2. Robert Lewandowski (Bayern Munich) 21
  3. Lionel Messi (Barcelona) 20
  4. Karim Benzema (Real Madrid) 20
  5. Sergio Aguero (Man City) 20
  6. Sadio Mane (Liverpool) 18
  7. Pierre-Emerick Aubameyang (Arsenal) 15
  8. Jamie Vardy (Leicester) 15
  9. Raheem Sterling (Man City) 13
  10. Ashley Barnes (Burnley) 13

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*