Xiddigaha Ilaa Haatan Ugu Fiican Premier League Xilli Ciyaareedkan Oo La Soo Saaray

Majalada FourFourTwo ayaa soo saartay xiddigaha ugu fiican ilaa haatan horyaalka premier League xilli ciyaareedkan kadib 5 kulan oo laga ciyaaray xilli ciyaareedka cusub ee 2019/2020.

Inkasta oo uu horyaalka premier League bilow yahay hadana waxa jira xiddigo haatanba is muujiyay oo ah xiddigaha ugu fiican ee premier League xilli ciyaareedkan.

Kooxda Liverpool ayaa haatan hogaaminaysa horyaalka premier league xilli ciyaareedkan iyaga oo leh 15 dhibcood kadib markii ay guul gaadheen 5-tii kulan ee ay ciyaarta xilli ciyaareedkan.

FourFourTwo ayaa magacawday xiddigaha ilaa haatan ugu fiican horyaalka premier League xilli ciyaareedkan iyada oo ay kooxda Liverpool xiddigaha ugu badan ku leedahay.

Halkan Kaga Bogo Liiska xiddigaha ilaa haatan ugu fiican premier League:

  1. Virgil Van Dijk
  2. Raheem Sterling
  3. Kevin De Bruyne
  4. Mohamed Salah
  5. Roberto Firmino
  6. Sadio Mane

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*