“Xiddiga Ugu Fiican Adduunka”: SHAN Rikoodh Oo Uu Cristiano Ronaldo Dhigay Kadib AFAR-tii Gool Ee Uu Ka Dhaliyay Lithuania

Xiddiga Kooxda Juventus & Xulka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay 4 gool kulankii uu xulka qarankiisa Portugal ku garaacay xulka Lithuania kulan ka tirsanaa is reeb-reebka Euro 2020 isaga rikoodh ka dhigay yurub.

Cristiano Ronaldo ayaa noqday xiddiga ugu halisan ama ugu goolasha badan taariikhda is reeb-reebka Tartanka yurub kadib markii uu dhaliyay 4 gool.

Ronaldo ayaa dhaliyay 4 gool kulankii uu xulka qarankiisa Portugal 5/1 uga badiyay xulka Lithuania isaga oo gaadhay goolkiisii 93-aad 159 kulan oo uu u ciyaaray Portugal.

Waxa intaas sii dheer in uu 34 jirkan dhaafay xiddigii hore ee xulka qaranka Republic of Ireland iyo kooxda Inter Milan ee Robbie Keane goolasha is reeb-reebka tartaka yurub.

Robbie Keane ayaa markii hore ahaa xiddiga ugu goolasha badan is reeb-reebka Tartanka yurub isaga oo dhakiyay 23 gool laakiin CR7 ayaa haatan dhaliyay 25 gool.

Sidoo kale Cristiano Ronaldo ayaa 93-ka gool ee uu u dhaliyay xulka qarankiisa ka kala dhaliyay 40 xul oo kala duwan oo uu ka hor tagay intii uu u ciyaarayay xulka qarankiisa.

Cristiano Ronaldo ayaa sidoo kale kaliya haatan 16 gool u jira xiddiga ugu goolasha badan taariikhda xulalka ee reer Iran ee Ali Daei kaas oo dhaliyay 109 gool.

Kabtanka reer Portugal ayaa sidoo kale markii 10-aad ee taariikdiida dhaliyay 4 gool intii uu ciyaarayay kubada cagta.

Halkan Sawrrka Kaga Bogo 40-ka xul ee uu Ronaldo ka dhaliyay Goolal:

Image

Sawirkan Hoose Kaga Bogo xiddigaha Ugu Goolasha Badan taariikhda Xulalka Ronaldo 2-aad ayuu ku jiraa:

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*