XASAASI: Xiddig Arsenal U Ciyaara Oo Xiddigaha Gunnars Si Sir Ah Ugu Uga Waraysta Kooxda Real Madrid

Xiddig u ciyaara kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in uu xiddigaha ay isku kooxda yihiin ee Gunners si qarsoodi ah ugu sheegay wadahadalo la qaatay kooxda ka ciyaarta horyaalka La Liga ee Real Madrid sida ay sheegayaan wararku.

Weeraryahanka kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa lala xidhiidhinayay Real Madrid ka hor intii uuna ku biirin kooxda Arsenal.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa wali doonaya in uu ka ciyaaro kooxda Real Madrid sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga reer Gabon aya doonayay in uu ku biiro Real Madrid wakhtigii uu joogay kooxda Borussia Dortmund isaga oo mar walba ka hadli jiray kooxda reer Spain.

Xiddiga ayaa Arsenal ku soo biiray suuqii January 2018 kadib markii uu ku fashilmay in uu ku biiro kooxda Real Madrid.

Si kasta ha ahaatee wargayska Defensa Central ayaa sheegaya in uu Aubameyang xiddiga amaahda ugu jooga Real Madrid ee Dani Ceballos kala hadalo sida ay tahay nolosha Bernabue.

Ceballos ayaa amaah ugu soo biiray Arsenal suuqii xagaaga isaga oo kaga soo biiray kooxda Arsenal laakiin Real Madrid ayaa diiday in ay si joogto ah ula wareegaan xiddiga khadka dhexe.

Sidoo kale Aubameyang ayaa la sheegay in uu Real Madrid ka waraysto xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Arsenal ee Mesut Ozil kaas oo 3 sano u soo ciyaaray kooxda Real Madrid.

Aubameyang ayaa la sheegayaa in uu wali rajaynayo in uu ku biiro kooxda Real Madrid una ciyaaro taas oo mar walba ahayd riyadiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*