Koox Haatanba Wadahadalo La Furtay Lionle Messi Si Ay Uga Afduubtaan Barcelona & Kooxda Ay Yihiin Oo La Ogaaday.

Waxa aan wali dhamaan musal-salka Mustaqbalka Lionel Messi tan ilaa markii la ogaaday in uu xor u yahay in uu isaga tago kooxda Barcelona marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan sabab la xidhiidha shardi ku jira heshiiskii ugu dambeeyay ee uu u saxiixay Barcelona.

Halyeeyag David Beckham ayaa xidhiidh la sameeyay kabtanka Barcelona si uu u keeno horyaalka America gaar ahaan kooxdiisa uu dhawaan abuuray ee ka ciyaarta Horyaalka MLS.

Idaacada Catalunya Radio ayaa sheegay in uu halyeeyga England la xidhiidhay Messi si uu ugu qanciyo in uu ku soo biiro kooxda uu dhawaan dhisay ee Inter Miami.

Kooxda Beckham ayaa bilaaban doonta horyaalka America xilli ciyaareedka 2020 kadib xogta ka soo baxday heshiiska Lionel Messi ee Barcelona kaas oo u ogolaan kara in uu isag tago kooxda xagaaga dambe.

Si kasta ha ahaatee wakiilada xiddiga reer Argentine ayaa la sheegayaa in ay dalbadeen dalab aad u weyn kaas oo meesha ka saari kara heshiis dhici kara.

Kooxda Barcelona ayaa la sheegayaa in ay ka war qabaan xiisaha kooxda Bekham ee Lionle Messi kuwaas oo raadinaya koox weyn si ay ugu bilaabaan kooxda cusub xilli ciyaareedka cusub.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*