Wixii Uu Keylor Navas Ku Sameeyay Thibaut Courtois Kadib Guushii PSG Ka Gaadhay Real Madrid Oo La Ogaaday

Keylor Navas ayaa ugu dambayn ka aar gutay Real madrid iyo Zinedine Zidane kadib markii ay iska fasaxeen intii lagu jiray suuqii kala iibsiga xagaaga kadib markii uu shabaqiisa ka ilaashaday guushii ay PSG ka gaadhay kooxda Real Madrid kulan champions League ah.

Keylor Navas ayaa guul ka gaadhay Goolhaye Thibaut Courtois kadib markii uu kala baxay booskiisa kooxda Real Madrid.

Goolhayaha reer Costa Rica ayaa maalintii ugu dambaysay ku biiray kooxda PSG isaga oo isaga tagay kooxda Real Madrid kadib markii loo sheegay in uu ahaan doono goolhayaha 2-aad ee ka dambeeya Thibaut Courtois.

Navas ayaa ku bilowday goolka kulankii ay PSG guusha 3/0 ah ka gaadhay kooxda Real Madrid isaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed fiican Kooxdiisii horena ka hor istaagay in ay goolka dhaliyaan.

kadib markii ay ciyaartu dhamaatay ayaa la arkay Navas oo “ilbixis” u sameeyay Goolhaye Courtois kadib qaab ciyaareedkii xumaa ee uu soo bandhigay loogana dhaliyay 3-da gool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*