WAR CAD: Barcelona Oo Xaqiijisay In Ay Wax Walba U Samayn Doonaan Soo Celinta Neymar

PARIS, FRANCE - JANUARY 09: Neymar Jr of Paris Saint-Germain celebrates after scoring during the French Cup match between Paris Saint Germain and Guingamp at Parc des Princes on January 09, 2019 in Paris, France. (Photo by Aurelien Meunier - PSG/PSG via Getty Images)

Kooxda Barcelona ayaa ku fashilantay baacsigii ay ugu jirtay saxiixa Neymar intii lagu jiray suuqii xagaaga ee dhawaan xidhmay hadana Agaasimaha Kooxda Barcelona ee Javier Bordas ayaa rumaysan in ayna kooxda Barcelona meesha ka saarin in ay ku laaban doonaan weeraryahanka kooxda PSG.

Suuqa January ayaa ah mid aad u adag marka loo eego wakhtiga oo aad u yar laakiin marka la eego xaqiiqada ah in uu Neymar si aad ah u doonayay in uu ku soo laabto Barcelona waxba meesha kama saari kartid.

“Xilli uu doonayo in uu yimaado kooxda, waxa aan qaban doonaa wax walba oo aan dib ugu soo celin karno”ayuu Bordas yidhi.

“wixii dhacay way dhici doonaa wax walbana si deg-deg ah ayay isku badalaan kubada cagta laakiin Neymar waa Neymar”.

“Arinta Neymar waa arin khaas  ah, waa xiddig cajiib ah waxana uu doonayaa in uu ku soo laabto Barcelona”.

“Waxa uu la qabsan waayay Paris markii horena wuu ku khaldanaa in uu boxo xitaa isaga ayaa sidaas yidhi”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*