Wakiilkii Hore Ee Neymar Oo Kashifay Wakhtiga Mustaqbalka Xiddig Xal Laga Gaadhi Doono

Inkasta oo uu suuqa kala iibsiga xidhmay hadana waxa aan wali dhamaan hadal haynta Neymar ee ku saabsan mustaqbalkiisa iyada oo uu uu wakiilkii hore ee Neymar ee Wagner Ribeiro uu ka hadlay mustabalka xiddiga.

Wagner Ribeiro ayaa sheegay in uu Neymar xidhiidh fiican la leeyahay xiddigaha kooxda PSG iyada oo ayna qoyskiisu wax dhibaato ah kala kulmi ku noolaanshaha magaalada Paris.

Wakiilka ayaa la hadlay wargayska O Globo kamana wal-walsanaha wixii dhacay labadii bilood ee ugu dambeeyay ee ku saabsanaa suuqii kala iibsiga iyo isku daygii uu Neymar isku dayay in uu kooxdiisa ku riixo in laga iibiyo Barcelona.

“Isla marka uu gool dhaliyo way cafin doonaan dib ayayna u jeclaan doonaan”ayuu yidhi

“Taageerayaashu waxa ay samaysteen boodh ay ku qorantahay “Neymar Naga Bax” laakiin taas waa iska caadi marka aad aragto xiddig kooxdaad ka tagaya waxa aad doonaysaa in uu boxo”.

Laakiin Wagner Ribeiro ayaa rumaysan in uu wali Neymar isaga tagi doono kooxda PSG” Xaaladu waxa ay is badali kartaa suuqa soo socda, marka loo eego in uu kooxda joogi doono 3 xilli ciyaareed waxana jiri doonta qiimo dhac ku iman doona lacagtiisa”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*