Unai Emery Oo Kashifay Sababta Uuna Ugu Faraxsanayn Saxiixyada Cusub Ee Arsenal

Taababaraha Kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaan ku faraxsanayn saxiixyadiisa cusub ee kooxda ku soo biiray xagaagan kadib markii 4 kulan laga ciyaaray xilli ciyaareedka premier League.

Tababaraha Arsenal ee Unia Emery ayaa rumaysan in ay tahay in ay xiddigaha cusub ee Arsenal si deg-deg ah ula qabsadaan jawiga cusub iyo waxyaabaha cusub ee ku hareeraysan kadib markii ay kooxda ku soo biireen suuqii xagaagan.

Unai Emery ayaa sheegay in uu doonayo in ay saxiixyada cusub si deg-deg ah ula qasbadaan shaxda kooxda si ay u caawiyaan kooxda inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Gunners ayaa si lama filaan ah baanka ugu jabisay Xiddiga garabka ka ciyaara ee Nicolas Pepe iyaga oo 72 milyan oo euro kala soo wareegay kooxda Lille.

Arsenal ayaa sidoo kale la soo saxiixatay xiddigaha Dani Ceballos oo ay amaah uga keentay Real Madrid iyo xiddigaha Kieran Tierney, David Luiz iyo Gabriel Martinelli oo ay toos ula soo wareegtay.

4 Ka mid ah saxiixyada Arsenal ayaa ciyaaray 4-tii kulan ee Arsenal ee premier League iyada oo uu xiddiga Tierney wali ku maqan yahay dhaawac soo gaadhay xagaagii.

Kooxda Emery ayaa badisay kaliya 2 kulan oo premier League iyada oo hal kulan laga badiyay mid kalena bar-baro gashay premier League.

Markii la waydiiyay meesha ay Arsenal ka horimari karto ayuu Emery sheegay in uu u baahan yahay in ay xiddigaha cusub la qabsadaan kooxda.

“Ugu horayn waxa aan doonayaa in aan horumarino la qabsasiga xiddigaha cusub kuwaas oo kooxda yimid xagaagii”ayuu emery yidhi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*