Trent Alexander-Arnold Ka Hadlay Go,aankii Uu Andy Robertson Ku Xidhay Akoonkiisa Twitter

Xiddiga daafaca Midig uga ciyaara kooxda Liverpool ee Trent Alexander-Arnold ayaa difaacay xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Andy Robertson kadib markii uu dhaleecayn dartiis u masaxay bogii uu ku lahaa Twitter-ka.

Daafaca Bidix ayaa dhaleecayn xoogan kala kulmay Twitter-ka kadib markii uu sabab u ahaa goolkii rikoodhada ahaa ee ay Napoli ka dhalisay Liverpool kulankii Champions League.

Robertson ayaa masaxay bogiisa Twitter-ka kadib ciyaarta markii uu la kulmay dhaleecayn xoogan laakiin xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Alexander-Arnold ayaa taageero buuxda siiyay.

“Waa qof maskax ahaan aad u adag, sidaas darteed sabab walba oo ay tahay ee uu u masaxay bogiisa Twitter-ka waxa ay ahayd mid u fiican isaga”ayuu Alexander-Arnold yidhi.

“Waxan u malaynayaa marka xigta ee aan is aragno waxa ay ahaan doontaa sida ay wax walba haatan yihiin, waxa aan eegi doonaa in ayna waxba xumayn, dhamaan waxa loo diray fariin si aan u ogaano in ay wax walba fiicanyihiin”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*