Tababaraha Man United Solskjaer Oo Ka Wal-Walsan Taam Ahaanshaha 5 Xiddig Ka Hor Kulanka Leicester City.

Kooxda Man United iyo tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa ka wal-walsan taam ahaanshaha 5 xiddig oo kooxdeeda ah ka hor kulanka ay la ciyaari doonaan Leiecester City kulan ka tirsan todobaadkii 5-aad ee horyaalka premier League.

Labada xiddig ee daafaca ee Luke Shaw & Aaron Wan-Bissaka, Labada xiddig ee khadka dhexe ee Jesse Lingard iyp Paul Pogba iyo weeraryahanka Anthony Martial ayaa dhamaantood dhaawaco ku seegay kulamadii fasaxa xulalka.

Shaw ayaa seegay xulka England kulamada is reeb-reebka ee Euro 2020 ee Bulgaraia iyo Kosov sabab la xidhiidha dhaawac muruqa ah oo soo gaadhay kulankii Crystal Palace isaga oo kadib seegay kulankii xigay ee Southampton.

Xiddigaha reer England ee Wan-Bissaka & Lingard ayaa iyaga laga reebay Liiska xulka qaranka England todobaadkii hore iyada oo labada xiddig soo gaadheen dhaawacyo.

Xiddigaha reer France ee Pogba & Martial ayaa dhankooda seegay waajibaadka xulkooda todobaadkan iyada oo uu Pogba dhaawac kuraanta ah ka soo gaadhay kulankii Southampton taas oo ku qasabtay in laga saaro xulka France.

Martial ayaa isagu ku dhaawacmay kulankii Crystal Palace ee 2 toodbaad ka hor waxana uu seegay kulankii Southampton ee todobaadkii hore.

Xilli ay dhamaan xiddigahaas muhiim u yihiin Man United tababare Ole Gunnar Soslkjaer ayaa ku jira xaalad adag ka hor soo laabashada premier League.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*