TAARIIKH: Man City Oo Taariikh Ka Dhigtay Premier League Kadib Xasuuqii Watford

Kooxda Man City ayaa isku qortay taariikhda horyaalka premier League iyaga oo baal dahab ah ka galay premier League kadib xasuuqii ay kula keceen kooxda Watford kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Goolal ay dhaliyeen David Silva, Sergio Aguero, Kevin De Bruyne (2), Bernardo Silva (3) iyo Nicolas Otamendi ayaa Man City ka caawiyay in ay gaadhaan guul taariikhi ah.

Man City ayaa 5 gool ku dhaliyay muddo 18 daqiiqo gudohood ah qaybtii hore ee ciyaarta kadib markii ay xiddigaha David Silva, Sergio Aguero, Bernardo Silva, Riyad Mahrez iyo Nicolas Otamendi dhaliyeen 5 gool.

Kadib goolashaas kooxda Man City ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee taariikhda premier League 5 gool ku dhalisa 18 daqiiqo oo kulan horyaalka ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*