Taageerayaasha Chelsea Oo Doortay Shaxda Ay Doonayaan In Ay Kooxdoodu Kaga Hor Tagto Wolves Sabtida & Xiddig Lam Filaan Ah Oo Ay Ka Saareen.

Taageerayaasha Kooxda chelsea ayaa doortay shaxda ay doonayaan in ay Arkaan kulanka Wolves ee sabtida kana tirsan horyaalka premier League todobaadkiisii 5-aad.

Blues ayaa ku soo laabanaysa ciyaarista Premier League Sabtida iyaga oo u safri doona Garoonka Molineux xilli ay isha ku hayaan in ay gaadhaan guushoodii 2-aad ee xilli ciyaareedkan premier Leageu.

Kooxda Frank Lampard ayaa bar-baro 2/2 ah la gashay kooxda Sheffield United ka hor fasaxii xulalka laakiiin waxa ay ku faraxsan yihiin in ayna dhaawacyo ka soo gaadhin xiddigaha ugu fiican kooxda.

Taageerayaasha chelsea ayaa doonaya in uu Antonio Rudiger si toos ah ugu soo laabto shaxda Kooxda kana garab ciyaaro Andreas Christensen kaydkana la dhigo Kurt Zouma oo gool iska dhaliyay kulankii ugu dambeeyay.

Sidoo kale N’Golo Kante ayay doonayaan in uu ku soo laabto kooxda kana garab ciyaaro Jorginho kadib markii uu ka soo laabtay dhaawacii uu ku seegay kulankii ugu dambeeyay.

Si kasta ha ahaatee taageerayaasha Blues ayaa si lama filaan ah u doortay in shaxda laga saaro xiddiga da,yarka ah ee wacdaraha dhigaya ee Mason Mount iyaga oo ka doortay xiddiga dhaawaca ka soo laabtay ee Ruben Loftus-Cheek.

Laakiin taageerayaasha Blues ayaa niyad jabi doona maadama uuna xiddiga Ruben Loftus-Cheek taam buuxa u ahayn in uu ku bilowdo shaxda maadama uu ka soo kabsanayo dhaawaca wali.

Xiddigaha Willian iyo Christian Pulisic ayay Taageerayaasha Chelsea u doorteen in ay labada garab ka ciyaaraan iyo Tammy Abraham oo ay u doorteen in uu hogaamiyo weerarka kooxdooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*