Sheeko Cusub: Real Madrid Oo Chelsea Kala Heshiisay Saxiixa N’Golo Kante & Wakhtiga Ay Heli Karaan Saxiixiisa Oo La Ogaaday

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay kooxda chelsea kala heshiisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka France ee N’Golo Kante sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka Spian.

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay saxiixa Xiddiga khadka dhexe ee N’Golo Kante kala heshiisay kooxda Chelsea kaas oo ay ka iibin doonto mustaqbalka kadib markii ay saxiixa xiddiga wayday suuqii xagaagan.

Zinedine Zidane ayaa wakhti horeba chelsea ka afduubtay Eden Hazard kadib markii uu xiddiga kagala wareegay lacag dhan 130 milyan oo euro marka lagu daro lacagaha gunooyinka ah.

Laakiin Tababaraha reer France ayaa sidoo kale doonayay in uu u dhaqaaqo saxiixa xiddiga ay isku dalka tihiin ee Kante si uu ugu xoojiyo khadka dhexe ee kooxdiisa.

Wargayska Defensa Central ayaa sheegaya in ganaaxii chelsea laga saaray suuqa iyo waliba iibintii ay Real Madrid ka iibisay Hazard ay keentay in ay Blues diido in ay iibiso xagaagan xiddigii hore ee Leicester City.

Laakiin wargayska ayaa sheegaya in dhaqankii wanaagsanaa ee ay Real Madrid muujisay intii ay labada kooxood wadahalada ku jireen in ay Blues ogolaatay in ay Kante ka iibiso laakiin waa mustaqbalka.

Labada kooxood ayaa haatan heshiis afka ah isla meel dhigay kuna saabsan Kante iyada oo kooxda chelsea ogolaatay in ay Real Madrid ka iibiso Kante hadii ay mustaqbalka go,aansato in ay iska iibiso xiddiga ama ay kooxo kale dalab ka soo gudbiyaan saxiixa xiddiga reer France.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*