Sergio Ramos Oo Kashifay Sababtii Ka Dambaysay Dabaal Degii Uu Kaadhka Digniinta Ah Ku Mutaystay.

Kabtanka xulka qaranka Spain ee Sergio Ramos ayaa kala cadeeyay sababtii uu kaadhka digniinta ah ku helay kadib markii uu gool dhaliyay kulankii uu xulka Spain 2/1 uga badiyay xulka Romania.

Ramos ayaa dhaliyay goolka 1-aad qaybtii hore kadib markii rikoodhe loo dhigay xulka qaranka Spain kulan ka tirsanaa is reeb-reebka Euro 2020.

Ramos ayaa dabaal degay ka hor intii uuna hor iman Kamerooyinka-ka ka dambeeyay Goolka Romania isaga oo sameeyay Calaamad uu xidhanyayay muraayad taas oo ka xanaajisay taageerayaasha xulka Romania.

Si kasta ha ahaatee markii uu ka soo laabtay dabaal dega ayaa kaadhka digniinta ah loo taagay Ramos taas oo la yaab ku noqotay dad badan.

“Kaadhka Digniinta ah waxa uu ka yimid khal-Khald”ayuu Ramos yidhi.

“Waxa aan dabaal dega u sameeyay “Ina Adeerkay” labadeenuba waxa aan xidhanaa Muraayad sidaas darteed isaga ayaan u wada, waxa aan u dabaal degay si aan isaga ugu hibeeyo goolka”.

“Garsooruhu waxa uu u maleeyay in aan taageerayaasha u jeedo”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*