Romelu Lukaku & Xiddig Kooxda Inter Milan Ah Oo Dirqi Lagu Kala Qaybtay Kadib Bar-Barihii Champions League

Xilli Ciyaareedka Horyaalka Serie A-da ayaa kaliya la ciyaaray 4 kulan laakiin muranka ayaa durba ku bilowday Inter Milan iyada oo dirqi lagu kala qabtay xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Inter Milan ee Romelu Lukaku iyo Xiddiga khadka dhexe ee Marcelo Brozovic.

Xiddiga Marcelo Brozovic ayaa taariikh ku leh garoonka the Stadio Giuseppe Meazza iyada oo ay horay isugu dheceen xiddigii hore ee kooxda ee Mauro Icard.

Wargayska La Gazzetta dello Sport ayaa sheegaya kadib kulankii champions League ee ay Inter Milan bar-baraha la gashay kooxda Slavia Prague lukaku dalbaday in ay xiddigaha Inter Milan qaadaan weeraro badan.

Sidoo kale Lukaku ayaa xiddigaha kooxda ku canaantay in ayna raacin qorshihii tababaraha ee Antonio Conte.

Laakiin Brozovic ayaa ka xanaaqay hadalkaas isaga oo si shaqsi ah u Af lagaadeeyay xiddiga reer Belguim.

Kadib muranka ayaa ku sii batay labada xiddig taas oo keentay in ay xiddigaha kooxdu kala dhex galaan waliba kala qabtaan labada xiddig si ayna gacan iskula tagin.

3 Comments

  1. Lukaku waa doonfaar doonfaar dhalay,asaga oo sidaas uyaalo ayuu rabaa inuu nin dalkiisa jooga utaliyo,war ilkaha in laga daadiyo aheyd maxa looga qabtey shit.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*