Ricardo Kaka Oo Magacaabay Xiddiga Soo Afjari Doona Guulaha Barcelona Ee Real Madrid Sanadihii Ugu Dambeeyay

Halyeeyga reer Brazil ahna xiddigii hore ee kooxda Real Madrid ee Ricardo Kaka ayaa magacaabay xiddiga Real Madrid haatan jooga ee dhawaan soo gaba-gabayn doona guulihii ay Barcelona sanadihii ugu dambeeyay ka gaadhaysay kooxda Real Madrid.

Ricardo Kaka ayaa aaminsan awooda Eden Hazard ee ah in uu Real Madrid ka caawin doono in ay ku garaacedo Barcelona horyaalka La liga kadib muddo sanado ah oo ay Barcelona ku garaacday Real madrid hanashada horyaalka.

Eden Hazard ayaa kulankiisii ugu horeeyay ee Real Madrid guuldaro ku bilowday markii ay Real Madrid guuldaro 3/0 ah kala kulantay kooxda PSG kulan ka tirsanaa champions League.

Laakiin Hazard oo badal ku ciyaaray kulankiisii ugu horeeyay ee horyaalka La Liga ayaa guul la gaadhay Los Blancos kadib markii ay sabtidii hore 3/2 uga badiyeen kooxda Levante.

Ricardo Kaka oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” Eden Hazard waa xiddig fiican oo leh taydo fiican mar walban jecel boosas badan waana arin uu ka heli doono Spain marka loo eego England”.

“Waxa uu heli doonaa boosas badan iyo waliba fursado fiican waxana uu qaab ciyaareedkiisa soo bandhigi doonaa marka uu la qabsado jawiga horyaalka La Liga”.

“Waxa aan arki doonaa sixirkiisa iyo waliba awooda uu u leeyahay in uu la tartamo Lionel Messi”.

“Waxa aan aaminsanahay in uu ugu dambayn Eden Hazard Real Madrid ku hogaamin doono garaacista Barcelona ee horyaalka La Liga isaga ayaana noqon doona furaha arintaas”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*