RASMI: Zinedine Zidane Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Tagi Doono Levante & Hazard Oo Hogaaminaya.

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono kooxda Levante kulan ka tirsan todobaadkii 5-aad ee horyaalka La Liga.

Zidane ayaa markii ugu horaysay Liiskiisa ku soo daray 3 xiddig oo aan horay ugu jirin kulamadii hore kuwaas oo fursad u haysta in ay ciyaaraan kulanka bari ee La Liga todobaadkan.

Xiddiga Eden Hazard oo dhaawac uga maqnaa kooxda ayaa liiska lagu soo daray markii ugu horaysay isaga oo ciyaari doona kulankiisii ugu horeeyay ee horyaalka La Liga.

sidoo kale Zidane ayaa liiska ku soo daray da,yarka Rodrygo kaas oo aan wali wax kulan ah u ciyaarin kooxda tan ilaa markii uu ku soo biiray.

Waxa sidoo kale Liiska lagu arkay Goolhayaha cusub ee Areola kaas oo heshiis amaah ah kaga soo biiray kooxda PSG maalintii ugu dambaysay ee suuqa xagaaga kala iibsiga.

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*