RASMI: Tababare Ernesto Valverde Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Tago Doono Granada, Miyuu Ku Jiraa Messi?

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono kooxda Granada kulan ka tirsan todobaadkii 5-aad ee horyaalka La Liga.

Liiska ayaa markii ugu horaysay horyaalka La Liga lagu arkay xiddiga Lionel Messi kaas oo si buuxda uga soo kabsaday dhaawacii uu qabay isaga oo la filayo in uu ku bilowdo shaxda ciyaarta.

Laakiin waxa Liiska laga dhex waayay xiddiga Jordi Alba kaas oo dhaawac ku seegi doona kulanka kadib markii uu ku dhaawacmay kulankii Champions League ee Borussia Dortmund.

Waxa sidoo kale Liiska ka maqan xiddiga daafaca ka ciyaara ee Samuel Umtiti iyo waliba xiddiga garabka ka ciyaara ee Dembelé iyaga oo dhankooda dhaawacyo ku seegaya kulanka.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska Xiddigaha Uu Tababaruhu soo saaray:

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*