RASMI: Pep Guardiola Oo Xaqiijiyay Wakhtiga Ay Soo Laaban Doonaan Aymeric Laporte & Leory Sane

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa ugu dambayn shaaciyay mudada uu daafaca kooxdiisa ee Aymeric Laporte garoomada ka maqnaan doono kadib markii qaliin looga sameeyay jilibka kadib dhaawac soo gaadhay.

Pep Guardiola ayaa sheegay in uu Aymeric Laporte garoomada ka maqnaan doono muddo dheer taas oo ku dhaw 5 ilaa 6 bilood kadib markii qaliin looga sameeyay jilibka.

Guardiola oo arintaas ka hadlay shirkii ka horeeyay kulanka Norwich City ayaa yidhi” Aymeric Laporte ma ciyaari doono sanadkan waxa laga yaabaa in uu maqnaado 5 ilaa 6 bilood”.

“Waxa ay noqon doontaa Muddo dheer 6 ilaa 6 bilood January ama February”ayuu Guardiola sii raaciyay.

Dhanka kale Guardiola oo ka hadlaya xaalada dhaawac ee Leroy Snae ayaa sheegay in uu xiddigu ku soo laaban doono garoomada ka hor inta uuna dhamaan sanadkan.

“Sane waxa uu ku soo laabtay Manchester si uu u bilowdo soo laabashadiisa waxana uu soo laaban doonaa ka hor dhamaadka sanadkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*